Dark Mode
  • Wednesday, 04 November 2026
Weerar Hoobiyayaal oo Lagu Qaaday Xerada Xalane ee Muqdisho

Weerar Hoobiyayaal oo Lagu Qaaday Xerada Xalane ee Muqdisho

Muqdisho (Saha lcable TV ) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar hoobiyayaal ah oo maanta lagu qaaday xerada Xalane ee ku dhex taalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Weerarkan ayaa imaanaya kadib digniin amni oo dhowaan kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Safaaradda ayaa hore u sheegtay inay heshay "xog sugan" oo muujinaysa suurtagalnimada weerarro dhowaan dhici kara, iyadoo ka digtay khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo uu garoonka Aadan Cadde ka mid yahay.

Sida ay sheegayaan wararka la helay, qaar kamid ah hoobiyeyaasha ayaa gudaha xerada ku dhacay, halka kuwo kalena ay bannaanka ku hoobteen. Dadka ku sugan Muqdisho ayaa laga maqlay jugta qaraxyada, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Digniinta halista amni ee garoonka ayaa keentay in la shido gambaleelka digniinta, taas oo keentay cabsi iyo feejignaan dheeraad ah.

Ilaa hadda, saraakiisha amniga kama aysan hadlin weerarkan hoobiyeyaasha ah ee lagu bartilmaameedsaday xerada Xalane, oo ah goob ay ku sugan yihiin hay'ado caalami ah, safaarado, iyo ciidamo shisheeye.

Al-Shabaab ayaa marar badan sidan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday magaalada Muqdisho, iyagoo hore u weeraray madaxtooyada, xerada Xalane, iyo xarumo kale oo muhiim ah. Weerarkii ugu dambeeyay ee noocan oo kale ah ayaa dhacay xilli uu Muqdisho booqasho ku yimid Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya.

Madaafiicdaas waxay waxyeello u geysteen dad shacab ah, kuwaas oo ay guryahooda ugu dhaceen, iyadoo qaar kamid ah dadkaas ay weli la tacaalayaan dhaawacyadii soo gaaray.

Weerarkan cusub ayaa muujinaya caqabadaha dhanka amniga ee weli ka jira caasimadda, xilli ay dowladda federaalka kordhisay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Comment / Reply From