Masar iyo Soomaaliya oo Adkeeyay Iskaashiga Siyaasadeed iyo Amni ee Geeska Afrika
Qaahira – Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Masar, Axmed Macallin Fiqi iyo Badr Abdelatty, ayaa Arbacadii kulan rasmi ah ku yeeshay magaalada Qaahira, halkaas oo Masar mar kale ku muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso madax-bannaanida, midnimada, iyo xasilloonida Soomaaliya.
Wasiir Abdelatty wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya si wax looga qabto caqabadaha amni ee isa soo taraya, wuxuuna ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga labada dal ee la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada.
Masar waxay sidoo kale ballanqaaday inay garab taagan tahay Soomaaliya xilli ay dib u dhis ku waddo hay’adaha dowliga ah. Labada wasiir waxay si wadajir ah u ammaanen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iyagoo adkeeyay in laga shaqeeyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Masar, oo dano istaraatiijiyadeed ka leh Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxay arrintan u aragtaa fursad lagu xoojiyo saameynteeda gobolka. Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Masar taageerada joogtada ah ee ay u muujiso Soomaaliya.
Comment / Reply From
You May Also Like
Popular Posts
Newsletter
Subscribe to our mailing list to get the new updates!