Dark Mode
  • Wednesday, 04 November 2026
Olol Ballaaran oo Ka Dhan ah Duumada: Boosaaso oo Lagu Qaybiyey 232 Kun oo Marakaneeco

Olol Ballaaran oo Ka Dhan ah Duumada: Boosaaso oo Lagu Qaybiyey 232 Kun oo Marakaneeco

Bosaaso: In ka badan 232,484 xabo oo marakaneeco ah ayaa laga qaybiyey magaalada Boosaaso iyo nawaaxigeeda, iyadoo ay ka faa’iidaysteen 464,970 qof, taas oo ku dhow nus milyan muwaadiniin.

 

Ololahan ayaa waxaa fulisay Hay’adda ISDP iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Puntland, isla markaana ay taageero buuxda ka heshay Hay’adda UNICEF. Qaybinta marakaneecada ayaa loo fuliyey qaab guri-guri ah, si loo hubiyo in qoys walba si toos ah loo gaadho.

 

Si loo xaqiijiyo hufnaan, isla-xisaabtan iyo gaadhsiin sax ah, ololaha waxaa lagu hirgeliyey nidaam casri ah oo digital ah, iyadoo la adeegsanayay GPS, taas oo suurto-gelisay in xog sax ah laga diiwaangeliyo qoys kasta oo ka faa’iidaystay.

 

Boosaaso iyo deegaanadeeda ku xeeran ayaa loo doortay ololahan, maadaama ay ka mid yihiin meelaha ugu badan ee cudurka duumadu ka jirto, isla markaana ay ku nool yihiin dad badan oo nugul, kuwaas oo si gaar ah ugu baahan tallaabooyin ka hortag ah.

 

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ololahani yahay mid muhiim u ah yareynta faafitaanka duumada, islamarkaana uu qayb ka qaadanayo kor u qaadista caafimaadka guud ee bulshada.

Olol Ballaaran oo Ka Dhan ah Duumada: Boosaaso oo Lagu Qaybiyey 232 Kun oo Marakaneeco

Comment / Reply From