Danaha Ankara ee Soomaaliya iyo Liibiya: Xaqiiqo Mise Siyaasad?
Hadalladii Madaxweyne Erdogan ee shirkii jaraa’id ee uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh
30-ka December 2025
“Go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsanayso Somaliland waa mid sharci-darro ah oo aan la aqbali karin. Tani waa jebin cad oo halis ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay. Waxay ka mid tahay falalka sharci-darrada ah ee xukuumadda Netanyahu ay ku doonayso inay xasilooni-darro ku abuurto gobolka.”
“Amniga Soomaaliya horumar weyn ayuu sameeyay, inkasta oo ay jireen falal carqaladayn ah oo ay wadeen dhinacyo aan rabin in Soomaaliya dib u kacdo. Turkigu wuxuu si adag u sii wadi doonaa taageerada madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee walaalaheenna Soomaaliyeed.”
“Waxaan qorshaynaynaa inaan billowno qodista tamarta badda (offshore energy drilling) ee xeebaha Soomaaliya sanadka 2026. Laba markab oo cusub oo qodista badda ah oo aan ku darnay maraakiibteena ayaa door weyn ka qaadan doona horumarinta iyo barwaaqada shacabka Soomaaliyeed.”
⸻
Hadalladii Madaxweyne Erdogan ee ku saabsanaa kala-qaybsanaanta Liibiya (2019–2020)
“Ma oggolaan doonno in Haftar, oo ah hoggaamiye afgambi wade ah, uu Liibiya liqo. Turkigu wuxuu qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si uu u taageero dowladda sharciyeysan ee Qaramada Midoobay aqoonsan tahay.”
(20 Janaayo 2020)
“Maadaama dowladda Liibiya ay naga codsatay gargaar militari, isla markaana uu jiro heshiis sharci ah, waan fulinaynaa. Waxaan aadeynaa halka naloo yeeray.”
(26 December 2019)
“Heshiiska badda ee u dhexeeya Turkiga iyo Liibiya wuxuu dunida tusay go’aankeena ah inaan ilaalinno xuquuqdeena ku saleysan sharciga caalamiga ah. Dhinacyo kale ma sahamin karaan goobahan oggolaansho la’aan.”
(9 December 2019)
“Tan iyo markii aan saxiixnay heshiiska badda, waxaan miisaanka awoodda Mediterranean-ka u leexinnay dhinaca dalkeenna. Go’aannadeennii adkaa awgood, mowqifkeenna hadda waxaa aqbalaya quwadaha gobolka.”
(19 February 2020)
1. Ma aragtaa wax isku-ekaansho ah oo u dhexeeya mowqifka Turkiga ee Soomaaliya maanta iyo kii uu ka qaatay Liibiya hore?
2. Madaxweyne Erdogan ma wuxuu ilaalinayaa danaha Turkiga mise danaha Soomaaliya? Mise labadaba?
3. Ma jirtaa cashar ay Soomaaliya ka baran karto wixii ka dhacay Liibiya, gaar ahaan faragelinta quwadaha shisheeye?
4. Ma rumeysan tahay in Turkigu u adeegsan doono kheyraadkiisa iyo nafta muwaadiniintiisa si uu u difaaco madax-bannaanida Soomaaliya? Mise Soomaaliya waxaa loo adeegsanayaa sidii Liibiya, si Turkigu u helo danihiisa dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed?
Comment / Reply From
You May Also Like
Popular Posts
Newsletter
Subscribe to our mailing list to get the new updates!