Mareykanka oo wada-hadallo la furay Xamaas
Dowladda Mareykanka ayaa bilowday wada-hadallo aan hore loo shaacin oo ay la yeelatay kooxda Xamaas, si xal loogu helo xiisadda sii xumaaneysa ee ka taagan Marinka Qaza. Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa xaqiijisay in wada-xaajoodkani uu yahay dadaal dheeraad ah oo lagu doonayo in xabbad-joojin laga gaaro dagaalka ka socda Qaza.
Wada-hadallada waxaa si hoose loogu qabtay dalal dhexdhexaadinaya oo ay ka mid yihiin Qatar iyo Masar, kuwaas oo ka shaqeynaya sidii ay labada dhinac u gaari lahaayeen heshiis rasmi ah. Ilo-wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa sheegaya in Washington ay si xooggan u riixeyso in la hirgeliyo heshiis nabadeed, inkastoo ay jiraan caqabado waaweyn oo la xiriira shuruudaha ay kala leeyihiin Israel iyo Xamaas.
Xamaas ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in xabbad-joojinta lagu xiro joojinta weerarrada Israel iyo in la qaado go’doonka lagu hayo shacabka reer Qaza, halka Israel ay dalbaneyso in la sii daayo maxaabiista laga heysto. Wali lama oga sida wada-hadalladan ay u sii socon doonaan iyo in heshiis la gaari karo, balse dadaallada Mareykanka ayaa muujinaya in la doonayo xal siyaasadeed oo waara.
Comment / Reply From
You May Also Like
Popular Posts
Newsletter
Subscribe to our mailing list to get the new updates!