Dark Mode
  • Wednesday, 04 November 2026
PKK oo ku dhawaaqday xabbad-joojin degdeg ah, taageertayna baaqii Ocalan

PKK oo ku dhawaaqday xabbad-joojin degdeg ah, taageertayna baaqii Ocalan

Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo muddo dheer dagaal kula jiray dowladda Turkiga, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xabbad-joojin degdeg ah, taas oo la micno ah in dagaalyahannadoodu ay hakad geliyeen howlgalladii militari ee ay ka wadeen gudaha Turkiga. Go’aankan ayaa yimid kadib markii hoggaamiyaha kooxda, Abdullah Ocalan, oo muddo dheer xiran, uu soo saaray baaq nabadeed.

Ocalan, oo xabsi ku jira tan iyo 1999, ayaa la sheegay in uu codsaday in PKK ay joojiso dagaalka, si wadahadallo cusub oo nabadeed loo bilaabo. Dowladda Turkiga, oo muddo dheer cadaadis ku haysay kooxda, ayaa si taxaddar leh ula socota xabbad-joojintan, inkastoo aysan weli si rasmi ah u soo dhaweyn.

Xeeldheerayaal siyaasadeed ayaa rumeysan in tallaabadan ay u gogol-xaari karto wadahadallo dhexmara PKK iyo Turkiga, si loo dhameeyo colaadda ay isku hayaan muddo ku dhow afartan sano. Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Ankara ayaa wali u aragta PKK urur argagixiso ah, taas oo caqabad ku noqon karta in xal buuxa laga gaaro dagaalka u dhexeeya labada dhinac.

Comment / Reply From